Waa Kuma Abdinasir Ismail- Sola?

Abdinasir Ismail Sola, waa shaqsi wax bartey wax badana kusoo dhex jirey bulshada soomaaliyeed. Mudo badan wuxuu ka tirsanaa bahda warbaahinta ama saxaafadda. Wuxuu ka mid yahay dadka ugu horeeyey ka shaqeeya TVga Universal TV Somali, haruntiisa London. Sanadahan dambe wuxuu u wareegey dhanka Information Technology ama IT. Asagoo ku dhex jiro dhanka IT’ga, hadana wuxuu aad ugu dhex jira warbaahinta dhanka baraha bulshada- Facebook iyo Youtube- asagoo isticmaalaayo xifadda saxaafada uu leeyahay.

Abdinasir waa shaqsi aad cod kar ama aftahan u ah oo oga waaqica soomaalida dal iyo dibad. Abdinasir Sola waa qof weyn oo da’da dhalinyaro kor u dhaafey, lagu qiyaasi karo dabayaaqadii 40aadkii ama horraantii 50aadkii.

Waxan ku xiranahay bartiisa Facebook in ka badan 10 sano, aan si dhow ula socda qoraaladiisa iyo muuqalada soo duubo ku falanqeeyo arimaha siyaadda iyo bulshada soomaalyeed. Wax badan aan ku bogaadiyo ama ku amaano wuu leeyahay, balse marar badan ayan ku arkey asagoo ku kacaayo falal iyo kalmado ku dheexan yihin Cunsurinimo iyo qabyaalad, ugeysanaayo dadka Soomaaliyeed Timaha adag (Jareer) iyo sanka weyn leh.

Asagoo adeegsanaayo xirfadda saxaafada uu leeyahay ayaa marar badan ka been sheegey taariikhda dadka Timaha adag leh ama loo yaqaano “Jareerweyne” ama “Somali Bantu.” Wuxuu mar walbo ku faana ama ku gabada inuu yahay “qof wax bartey” ama “Aqoonyahan” suu uga gabaato falalka qalifan oo cunsurinimada ah ku kaco. Abdinasir Sola inuu wax bartey shaki iyo dood kuma jira, laakiin garashada iyo anshaxa aqoonta lagu ilaaliyo aad uga liita. Waana shaqsi aad u kibir badan oo dadka ka hooseya (dhaqaale & aqoon ahaan) yaso ama liida. Waxaa dadka ku biiqsada (Bullying) “aqoon yari” iyo “Low IQ” oo ku duraayo garaadka dadka ka aragti duuwan.

Marar badan waxaan arkey marka uu hadal ama fal qaladaad ka dhaco oo dadka aqoonta saaxiibka u ah la hadlaan, sii caro leh oo jeesjees ah uga jawaabo, marar badana inuu “block”” gelinaayo uga hanjabaa, ka dibna blockga. Waxaa kale uu sameeya inuu si qalad ah u adeegsado xirfada IT’ga uu soo bartey, inuu ciwaanada baraha bulshada dadka ka aragti duuwan weeraro, oona ku xiro.

Abdinasir Sola waa shaqsi aan jecleen in la dhaqmo dadka wax bartey oo asaga ka aragti duuwan. Wuxuu aad u jecel yahay inuu la sheekeysto iyo la caweeyo dadka ka aqoonta yar oo [manipulation & dominate] ku sameen karo oo asaga u nacamleeya. Waxaan ka marqaati ahay asagoo dagaal adag lagalaayo dad asaga isla heerka waxbarasho ah oo fakar ahaan kala duuwan yihin.

Ugu Dambeyntii, Abdisir Sola waa shaqsi cunsurimadu iyo qabyaalada ku weyn tahay uu liido dadka tabarta yar iyo aqoonta ku yar tahay. Aqoonta IT’ga iyo saxaafada uu bartey wuxuu ugu adeega (weerar iyo difaac) qabiilada ay isxigaan ama uu ka dhashey, iyo kuwa qandaraasyada la galo.  

TALO Wadaag!

Da’da ku jirto, aqoonta aad leedahay iyo Habdhaqankaada isma waafaqsano, bal Iswaafiji sedaxdan. Abdinasirow, 50 jir ayaad tahay- garaadkaaga kobci, anshaxa aqoonta aad leedahay ilaali ee akhlaaqdaada ilaali. Intaas waa iga Talo iyo Dardaaran.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

Up ↑

%d bloggers like this: